Wasiirka Cusub ee Ganacsiga Oo Xilka la wareegay, Kana hadlay Arimo muhiim ah {Daawo Video}

Wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ayaa u mahad celiyay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha sida ay ugu sharfeen uguna aamineen xilka wasaaradda.

HALKAN KA DAAWO

Eng. Cabdullaahi ayaa wasiirka xilka baneeyay ku amaanay howsha adag ee uu wasaaradda ka qabtay mudadii uu xilka haayay, isagoona balan qaaday in meeshii uu ugu tegay horay ugu sii wadi doono, oo dib loo noqon doonin in horay loo socda mooyee, maadaama wasaaraddu ay tahay halbowlaha ganacsiga dalka isla markaana u taagan jaan goynta iyo horumarinta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.

Wasiirka cusub ayaa sheegay in ganacsiga uu ka mid yahay halbowleyaasha dalka, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa ganacsiga iyo warshadaha dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top