Maamulka muuse ayaa darjo ka dhigtay dilka islaamka iyo doorka culimda[Akhriso]

HUURA

Kalmada Mujaahid waxaa Somaliland looga isticmaalaa darajo ka duwan sidii ilaahay ugu talogalay , oo ahayd in loogu yeedho qof ilaahay diintiisa ku caawiyay maalkiisa,naftiisa iyo wakhtigiisa.

Kadib dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Somaliya ayaa waxaa soo baxay in dagaaladaasi jabhado kala duwan oo ka qaybqaatay loogu yeedho magacyo.Koonfurta Somaliya  waxaa loogu yeedhaa Moryaan,Waqooyina Mujaahidiin.

Qabiilada Koonfurta Somaliya wada degan oo dhamaan isdilay qaarna loo xoog sheegtay qaarna guulaysteen ayaa marnaba laga maqlin kalmada Mujaahid.

Gaar ahaan taliyihii awooda badnaa ee mijo xaabay dawladii Siyaad Bare oo la odhan jiray General Caydiid oo xukuumadii Siyaad Barre iyo milaterigiisii ka sifeeyay koonfurta isla markaana Maraykanka dagaal maalin cad ah ugula badheedhay gaal iyo muslimna dagaal isla soo mareen ayaa marnaba ciidankiisa iyo isagaba loogu yeedhin Mujaahid.Jeneral Caydiid waa sargaalka kaliya ee Somali ah oo isaga iyo ciidankiisu gaalo Muqdisho kula dagaalamay lagana sameeyay filimka caanka noqday ee Black Hawk Down oo lagu matalay Hollywood oo caalamku ugu caansan,marnaba looguma yeedho mujaahid Caydiid.

Ciidanka Janaral Caydiid oo ahaa kuwa koonfurta Somaliya la wareegay waxay aqoonsanaayeen in waxa isdilayi yihiin Somali Muslim ah ,marnaba taalo meel kama taagin.

Hadaba su,aashu waxay tahay waa maxay sobobta taageerayaasha SNM iskugu yeedhaan Mujaahidiin ilaa kan maanta wax dilay?

Baadhitaan dheer kadib oo aan ka samaynay kalmadaasi Mujaahid oo si wayn ugu caan baxday Inta u dhaxaysa Burco Iyo Hargeysa ee SNM laga taageeray ayaa ah mid u muuqata in shacabkaasi lagu dagaal galiyay inay janada galayaan haddii ay dilaan beelaha aan iyaga ahayn iyo askarta dawlada markaasi jirtay,way dhibyartahay inaad ogaato in qofka deegaanada SNM kasoo jeeda dhagar galay iyo inkale,si fudud waxaa loogu yeedhaa darajada dhagarta ee la,isku maamuuso waxaana la yidhaahdaa MUJAAHID,Kalmadani waxay tahay dhagarqabe,waxa uu dilay qof Muslim ah oo Somali ah oo Sunni ah oo waliba gacal iyo xigto yihiin kadibna dhagarqabe waxa loogu badalay MUJAAHID si uu u asturnaado hawshiisana usii wato.

Mid ka mida culimada deegaankaasi oo aan ka waraysanay sobobta koonfur loogu isticmaali waayay kalmada Mujaahid oo rag gaalo cadaana jilibka u dhigeen ?

Waxaa uu ii sheegay si dad loo helo dagaalka gala waa inuu sheekh fityoodo oo uu yidhaahdo dagaalka gala oo dalkiina difaaca,anagu uma sheegain beelaha darifyada ama marti la gawraco ama safar dhexda loo joogsado,balse iyaga ayay la durugtay ayuu yidhi sheekhu.

Hadaba si ay dhagarta Somaliland u joogsato waxaa haboon in culimadu markale dib u fityooto shacabka Hargeysa iyo Burco hareeraheega ku dhaqana u sheegaan in dadka isla degani wada muslim yihiin gacal iyo xigaal,lana soo afjaro dhagarqabe lagu taxo darajada beeshu bixiso ee MUJAAHID.

Sida diinteenu cadaysay ninka jihaad diinta kor loogu yeelayo ka qaybqaata oo gaalo dulmi wada kor looga yeelayo diinta ilaahay ayaa ilaahay baneeyay in uu  yahay Mujaahid,waxaana haboon in walaalaha Hargeysa iyo Burco ay dhagaystaan culimadooda,Culimaduna bilowdaa wacyigalin dhamaan deeganada ah oo shacabka loogu iftiiminayo dhagarta iyo cidhibdambeedkeeda, darajada Mujaahidnimaduna bixinteedu noqoto tii ugu dambaysay tan la siiyay ragii GARADAG ku xasuuqay saraakiisha oo dhawaan la filayo inay darajadooda Mujaahidnimo warbaahinta lasoo joosadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top