Xog: Beyle oo guri wayn ka dhisanaya Hargeysa

Widhwidh online ayaa ogaatay in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu guri wayn ka dhisanayo magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Soomaaliland.

Gurigaan oo ka kooban dhismo wayn oo dabaq ah ayaa dhismihiisa wali waxa uu ka socdaa Xaafadda Jig Jiga yar ee magaalada Hargeysa waxa uuna sidoo kale gurigaan oo dhismihiisa wali socda ka kooban dhowr dabaq sida ay muujinayaan sawirada laga soo qaaday dhismaha guriga, oo ay heshay Widh Widh Online

Dhismahaan gurigaan ayaa ka kooban Shan (5) dabaq oo midkiiba uu ka kooban qolal badan waxaana loo qorsheeyay in laga dhigo Hotel halka warar kale ay sheegayaan in laga dhigi doono Suuq Ganacsi oo wayn iyadoo laga kirayn doono ganacsatada yar-yar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top