Wasiir Goodax:Dhagaxyada amniga meelaha ay ka dabcaan kuwa kale ku dara

Wasiirka Waxbarashada Somaliya C/laahi Goodax Barre oo shaqadiisa ay tahay arrimaha Waxbarashada, ayaa isaga oo ka hadlaayay ammaanka Muqdisho, qiilna u sameynaya dhagxaanta dowladda ay ku jartay wadooyinka Magaalada gudaheeda ayaa wuxuu sheegay dhagxaanta inay yihiin kuwa lagu sugaayo ammaanka Muqdisho.

Wasiir Goodax Barre ayaa sheegay shacabka in laga doonaayo meelaha ay ka jilacsan yihiin dhagxaanta inay sii adkeeyaan oo dhagxaan kale ay ku daraan si amniga uu u hagaago.

Wasiirka ayaanan isweydiin dhibaatada shacabka ay ku qabaan dhagxaanta lagu jaray wadooyinka, sidaasi oo ay tahayna Magaalada ay ka dhacayaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

“Dhagaxa Xooggaa meesha uu ka dabco kuwa kale dhiga si fiican si dariiqa uu u saxmo dhagaxaan nimankaan mucaaradka afka idiin galiyeen ma xumo amnigeena & Nolosheena ayuu badbaadinayaa.”Ayuu yiri Wasiir Goodax.

Shacabka Muqdisho oo noqday dhibanayaasha Qaraxa & xirnaanshaha wadooyinka dadka u adkeysta, ayaa sheegaya inaysan diidaneyn qorshaha suggida ammaanka Muqdisho, balse nidaamka dowladda ay u mareyso ay tahay arrin qaldan.

Dhalinyarada Mootooyinka Bajaajta ku shaqeysta ayaa qaba dhibaatada ugu badan ee ay kala kulmaan wadooyinka xiran & tacadiyada Ciidan ay gaystaan, waxaana dhalinyaradaasi ay ugu baaqeen qurbajoogta talada dalka maamulaysa inay u naxaan Bulshada.

Ammaanka Muqdisho ayeey dowladda Somaliya ku aamintay Ciidan & dhagxaan, sidoo kalena waxaa jira in ciidanka dhexdooda ay ku dhex dagaalamayaan Magaalada gudaheeda, taasi oo muujinaysa in ciidamada dowladda qudhooda aysan kalsooni buuxda isku qabin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top