Isku Socodka Magaalada Muqdisho oo Hakad Galay

Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta guud ahaan hakiyay Dhaqdhaqaaqa Wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.

Wadooyinka Muqdisho ayaa horay u xirnaa oo aan loo ogoleyn gaadiidka dadweynaha in ay u kala gudbaan Wadooyinka muhiimka ee Muqdisho.

Guud ahaan waxaa saaka la diiday xataa kala wareeggii ay horay dadka Shacabka ay gaadiidka taagan Wadada dhinaceeda  kale ay ka raaci jireen Mootooyinka.

Sababta loo xiray Wadooyinka ayaa lagu sheegay in ay tahay in maanta Magaalada Muqdisho lagu qabanaayo maalinta Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo lasoo hormariyay.

Dadka Shacabka ee kunool Magaalada Muqdisho ayaa dhibaato weyn ku qaba xirnaanshaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top