Dhakhaatiir ajnabi ah oo Mandera laga afduubtay

Labo dhakhtar oo ajnabi ah ayaa laga afduubay magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil booliiska ka tirsan.

Ilaaladoodii ayaa lagu soo warramayaa in la dilay.

Labadan dhakhtar ayaa qayb ka ahaa, mashruuc ay dawladda Kenya dhakaatiir ajnabi ah uga keensatay dalka Cuba.

Warar ayaa sheegaya in dhakhaatiirta loo tallaabiyay dhanka Soomaalya.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda afduubka.

Wixii ka soo kordha tabintan tooska ah ayaan idiinku soo gudbin doonnaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top