WAR DEG DEG AH:Taliyihii Ciidamada Puntland oo goor dhoweyd is casilay

Wararka ay hada helayso Widh Widh Online ayaa sheegaya in uu is casilay taliyihii ciidamada Daraawiishta Puntland oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, kadib hawlgalo lagu amray ciidamadu in ay ka sameeyeen gudaha magaaladaasi.

Is casilaada taliye Cabdishukri Cabdilaahi Xuseen ayaan si dhab ah loo ogeyn sababaha ka dambeeya, hasa yeeshee madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni ayuu sheegay in uu u gudbiyey waraaqdiisa is casilaada.

Qaybo kamid ah gobolka Sanaag ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in is casilaadiisu ay la xidhiidho arintaasi.

Taliyaha ayaa la filayaa in uu warbaahinta la hadlo faah faahin dheeraad ahna uu ka bixiyo ujeedka is casilaadiisa, halka madaxweyne Denni uu isna goor dhow magacaabi doona taliye cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top