Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magaalada Adis ababa(DAAWO SAWIRO)

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Wafddi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Adis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya.

Wafdiga madaxweyne Farmaajo waxaa qaabilay Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed.

Warbaahinta dowladda ee FANA ayaa sheegtay in kulanka Ra’isalwasaare Abiye iyo Madaxweyne Farmaajo looga hadlayo xiriirka labada dal, iskaashiga iyo is dhexgalka dhaqaale ee Gobolka iyo sidoo kale amniga Gobolka Geeska Afrika.

FANA , ayaa intaas ku dartay in Ra’isalwasaaraha Itoobiya uu horseed ka yahay aragtida nabad ku wada noolaanshaha Gobolka Geeska Afrik.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top