Senator Qeybdiid oo ka hadlay dagaallada Cadale iyo Xeraale{Dhagayso}

Gudoomiyaha Guddiga dastuurka labadda Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaallada ka socda Cadale iyo Xeraale oo kala tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug.

HALKAN KA DHAGAYSO

Shir Saxaafadeed uu maanta ku qabtay Muqdisho ayuu ku sheegay in Madaxda Galmudug iyo Hirshabeelle looga fadhiyo in ay muujiyaan Mas’uuliyad, islamarkaana dadaal ku bixiyaan joojinta dagaalka.

Senetorka ayaa xusay in maanta dadka Soomaaliyeed ay qabaan dhibaatooyin kala duwan, islamarkaana ay nasiib daro tahay in dagaal Beeleedyo ay ka socdaan Hirshabeelle iyo Galmudug.

Beellaha dagaallamaya ayuu ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan, islamarkaana ay yimaadaan miiska Wadahadalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top