Madaxweynaha Uganda oo ku hanjabay in Ciidamadiisa uu kala baxayo Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa ku goodiyey in uu Soomaaliya kala baxayo Ciidamadiisa oo dhan hadii uu dhaqan galo Go’aanka tiro ka mid ah ciidamadiisa looga saarayo Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Bishii December ee sanadkii 2018 waxa ay qaraar kusoo saareen in dalkooda dib loogu celinayo 1,000 ka mid ah ciidamada Burundi ee ka mid ah howlgalka AMISOM.

Hayeeshee Madaxweyne Yuweri Museveni ayaa sheegay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ku wargeliyey in dhammaan Ciidamada Uganda ka jooga Soomaaliya ee gaaraya 6,400 uu Soomaaliya kala baxayo hadii la joojin waayo dhimista Ciidamada Burundi ee Soomaaliya.

Waa Madaxweynihii labaad ee qaata Go’aan ah in ciidamadiisa ka jooga Soomaaliya uu la baxayo hadii dhimis lagu sameeyo, waxana horay go’aankaas oo kale u qaatay Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top