IGAD oo ka hadashay weerarkii ka dhacay Muqdisho

Urur goboleedka IGAD, ayaa cambaareeyay weerarkii Kooxda Al-shabaab ee khamiistii la soo dhaafay ka fulisay magaalada Muqdisho, IGAD ayaa wacad ku martay in laga adkaanayo Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi ,kaasoo ay ku dhinteen Dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Urur Goboleedka IGAD ayaa ku ammaanay ciidamada Dowladda Soomaaliya dadaalka iyo  geesinimadooda ku aadan siday u xakameeyeen khasaaraha shacabka ka soo gaari lahaa weerarkii Kooxda Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Maka Al-mukarama  iyo goobaha kale ee ganacsiga ku yaala hareeraha wadada.

“Dowladaha xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD waxay xaqiijiyeen taageerada Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan inaan marnaba loo dulqaadan Karin kana soo horjeedaan dhammaan noocyada argagixisada ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay IGAD.

Sidoo kale,war ka soo baxay IGAD ayaa lagu cadeeyay in si wadajir ah looga hortagayo caqabadaha ka hor imaan kara nabad galyada iyo xasilloonida Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top