Gabadha Caanka Ah ee Ilhaan Cumar oo Booqatay Eritrea

Wafdiga ka socday Guddiga arrimaha dibadda ee aqalka hoose ee Mareykanka ayaa Isniintii shalay ahayd waxaa ay booqasho ku tageen magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Xubnahan oo ka koobnaa saddex qof ayaa waxaa ay asal ahaan ka soo jeedaan Afrika,waxaana ay ku jiraan Guddiga arrimaha dibadda ee Golaha aqalka hoose ee Mareykanka.

Karen Bass,Ilhaan Cumar iyo Joe Neguse, ayey ahaayeen XIldhibaannada ka socda Mareykanka ee 14 sanadood kaddib booqday dalka Eritrea.

Saddexdooda markii ay ku laabteen Washington ayey sheegeen in ay ku faraxsanyihiin in xiriirka Mareykanka iyo Eritrea soo hagaago.

Waxaa ay soo dhaweeyeen heshiiska dhexmaray Itoobiya iyo Eritrea ee ay ka gaareen colaaddii u dhaxeysay tan iyo markii ay Eritrea ka go’day Itoobiya inteeda kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top