Farmaajo & Khayre oo isku khilaafay xiisada Kenya Iyo la kulankii Kenyatta

Wargeyska warbixinada Sirdoonka qora ee Africa Intelligence ayaa qoray in madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Khayre ay isku khilaafeen go’aankii Farmaajo ku tagay magaalada Nairobi ee uu kula kulmay Uhuru Kenyatta.

Wargeyska ayaa sheegay in Khayre uu madaxweynaha u caddeeyey fikirkiisa ah inuu kasoo horjeedo kulankan oo ujeedkiisu ahaa in lagu qaboojiyo xiisadda diblumaasiyeed ee Kenya iyo Soomaaliya.

Warbixintan ayaa sheegtay in Xasan Cali Khayre uu doonayey in Kenya aan loo muujin wax dabac ah oo Soomaaliya ay muujiso inaan la handadi karin.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale la sheegay inuu ka walaacsanaa dhex dhexaadinta ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo in xiisadda labada dal lagu dhammeeyo hanaan diblumaasiyeed.

Sida warbixinbta ay tiri Farmaajo ayaa waxaa taageeerayey oo cadaadis kaga imanayey siyaasitiinta beesha Daarood ee ku jira dowladda Kenya oo uu kamid yahay guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale, kuwaas oo doonaya inu xiisadda labada dal wada hadal lagu dhamneeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top