Wariyeyaal Lagu Xiray Wadanka Uganda

Booliska dalka Uganda ayaa cassimadda Kampala xabsiga ugu taxaabay koox weriyaal ah oo ka tirsan BBC-da.

Weriyashaan oo la xiray habeenkii Arbacada aheyd waxaa ay baaritaan ku sameynayay sida sharci darrada ah ee loo iibinaya dawooyiinka dowladda ay ugu talagashay xarumaha caafimaadka.AKHRISO

Afhayeenka dowladda Uganda ayaa codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo si daayo saxafiyiinta,.sida laga soo xigtay wakaalada wararka ee Reuters.

Dhanka kale,bayaan kasoo baxay BBC-da ayaa lagu sheegay inay la xirireen laamaha dowladda ay arrintan khuseeyso, waxaa ay ka dhawaajiyeen inay ka shaqeynayaan sidii ay arrinta uga salgaari lahaayeen.

”Waxa aan la yaabanahay sababta ka dambeysay in booliska ay xiraan weriyaashan, sida aragtideydu ay tahay, waxay dowladda ka caawinayeen inay daaha ka qaadan musuqa ka dhex jiray xukuumadda,” Afhayeenka dowladda Uganda Ofwono Opondo yaa wakaalada wararka ee Reuters sidaasi u sheegay. ” waa in si shuruud la’aan ah loo sii daayo’.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top