Wararkii ugu dambeeyay Weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Buurhakaba

Weerar khasaaro geystay oo ku bilowday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, waxaana weerarka laga helayaa warar dheeraad ah.

Bartilmaameydka weerarka ayaa lagu sheegay inuu ahaa saldhiga ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, balse saraakiisha ciidamada ayaa WIdh Widh Online u sheegay in weerarka la fashiliyay.

Gaari NOAH ah oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayuu weerarka ku bilowday sida dadka deegaanka ay sheegeen, waxaana kadib xigay weerar rag ka tirsan Al Shabaab ku qaadeen  saldhiga.

Ka hor inta gaariga uusan qarxin ciidamo katirsan dowladda oo ku sugnaa degmada ayaa la sheegay inay wadaha gaariga ku amreen inuu joogsado, basle awood ayuu kaga dhaqaaqay, waxaana markii rasaas lagu furay kadib la sheegay inuu is qarxiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top