Wararkii ugu Dambeeyay Diyaarado Garaacay Goob ay Al shabaab isku aruusanayeen

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in xalay ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday goob Shabaab ay ku sugnaayeen.

Duqeyntaan ayaa waxa ay ka dhacday deegaanka lagu magacaabo araare oo Gobolka Jubbada hoose ku yaal, halkaasi oo la sheegay dagaalyahano Shabaab ka tirsan inay isku aruursanayeen.

Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay duqeyntaasi waxyeelo inay ka soo gaartay Ciidamada Shabaab ee deegaanka araare isku aruursanaayay, inkastoo aysan sheegin Ciidanka waxyeelada soo gaartay tiradooda.

Duqeyntnaan diyaaradeed ayaa waxaa loo badinayaa inay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee ka duula Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo, halkaasi oo Saldhig Militari ay ku leeyihiin.

Mareykanka ayaa sanadkaan kordhiyay duqeymaha ay la beegsanayaan deeganada Shabaab ay ka joogaan Gobolada Jubbooyinka.

Taliska AFRICOM ee Mareykanka ayaa sheegay duqeymaha lala beegsado Shabaab in aanan looga adkaan karin, balse loo baahan yahay in la tayeeyo Ciidanka Xoogga dalka Somaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top