Venezuela: Militariga oo xiray Xaduuda Colombia

Ciidamada Venezuela ayaa gebi ahaan xiray xaduuda uu dalkooda la wadaago wadanka Colombia, kadib markii mucaaridka Venezuela gurmad dalkaasi ka codsaday.

Hogaamiyaha Mucaaridka Venezuela ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Juan Guaidó oo sheegtay inuu yahay Madaxweyne Kumeelgaar ah ayaa ka codsaday dalka Colombia iyo Maraykanka inay gurmad daawo iyo raashin lasoo gaaraan shacabka Venezuela.

Gurmadkan uu codsaday hogaamiyaha mucaaridka Venezuela oo la filayo inuu ka yimaado dalka Colombia iyo Maraykanka oo iyagu aqoonsaday Guddoomiyahaa Baarlamaanka inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ayaa waxaa ku gacan-seeray Madaxweynaha xilka haya ee Nicolas Maduro.

Militariga Venezuela ee weli ka amar qaata Madaxweyne Maduro ayaa gebi ahaan xiray wadooyinka xadka u dhaxeeya Venezuela iyo Colombia, iyagoo wadooyinkaasi ku xiray gaadiidka xamuulka, konteenaro iyo silig

Maduro ayaa ku tilmaamay gurmadkan mucaaridkiisa codsaday inuu yahay mid wadada loogu xaarayo farogelin lagu soo sameeyo wadankiisa oo uu sheegay inay duulaan ku yihiin Maraykanka iyo xulafadiisa oo horey ugu goodiyey inay militarigooda usoo diri doonaan dalka Venezuela.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top