Ruushka oo shaaciyay go’aan dharbaaxo ku noqday Maamulka Yuhuuda

Safiirka Dowladda Ruushka u fadhiya Magaalada Tel Aviv, ee Caasimadda Dalka Israel, Anatoly Viktorov, ayaa sheegay inaysan xukuumadda Moscow diyaar u ahayn in ay jebiso xeerka Caalamiga ah ee Qaramada midoobay ugu yaalla Magaalada Qudus.

Safiirka oo u warramayay Wakaaladda wararka Rashia ee TASS, ayaa caddeeyay in xukuumaddiisu aysan dooneyn inay aqbasho qorshaha siyaasadeysan ee uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ugu aqoonsaday Qudus in ay tahay caasimadda cusub ee Israel.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Donald Trump, u aqoonsaday in ay Qudus tahay Caasimadda Israel, ayaa waxaa halkaasi Safaaradahooda u rartay Dowladaha Maraykanka iyo Guatemala, oo dhacda Koofurta Amerika.

Dowladda Paraguay, oo mar halkaasi ka furatay Safaaraddeeda ayaa dib ugu soo celisay Tel Aviv, markii ay cadaadis kala kulantay Caalamka, halka Waddamada Austria, Brazil iyo Czech Republic ay sheegeen inay Safaaradahooda u raran doonaan Magaalada Barakeysan ee Qudus balse weli talaabadaas ma qaadin.

Hadalka ka soo yeeray dowlada Russia ayaa dharbaaxo siyaasadeed ku noqday dowlada Yuhuuda oo wax badan reer galbeedka ka dhaadhicineysay iney caasimadeeda u aqoonsadaan Qudus.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top