Masuul Muslimiin ka carar ah oo dadkiisa ugu baaqay in ay carruur badan dhalaan

Dumarka dalka Hungary ee dhala afar carruur ah ama kabadan ayaa laga dhaafi doonaa canshuuraha dhaqaalaha soo gala inta ay nool yihiin, sida uu sheegay ra’iisulwasaaraha dalkaas, isaga oo soo bandhigaya qorshe loogu talagalay in sare loogu qaado ubadka ku dhasha dalkaas.

Waa qaab lagu hagaajinayo mustaqbalka dalka Hungary iyadoo aan lagu tiirsanaanayn soo galooti, ayuu yiri Viktor Orban.

Ninkan oo wadaniyada ku kalax tagay siyaasadiisuna ay tahay garabka midig ayaa si gaar ah uga soo horjeeda muhaajiriinta Muslimiinta ah.

Bulshada ku nool dalka Hungary ayaa sannad kasta hoos u dhacda 32,000, dumarka dalkaasina waxay dhalaan carruur ka tiro yar kuwa ay dhalaan dumarka dalalka Qaaradda Yurub celcelis ahaan.

Tallaabooyinkan waxaa ka mid ah in lamaaneyaasha da’da yar la siiyo daymo aan dulsaar lahayn oo gaaraya 36,000 oo doolarka Maraykanka ah, lagana saamixi doono markay saddex carruur ah dhalaan.

Orban ayaa sheegay in sababta ay Reer Galbeedka dhashu ugu yaraanayso ay tahay soo galootiga Yurub “loona baahan yahay in ilmo kaste oo meesha ka baxa lagu badalo in uu mid kale yimaaddo, markaasna ay sidaa tiradu ku hagaagi doonto.

“Dadka dalka Hungary sidaas way ka duwan yihiin, ayuu yiri. Uma baahnin tiro uun ee waxaan u baahannahay carruur reer Hungary ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top