Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay in la xaraashayo Shidaalka Soomaaliya{Video}

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta markii ugu horeesay ka hadlay shirka ka furmay magaalada London oo la sheegay in lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Farmaajo ayaa beeniyay warka ay shaaciyeen qaar kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku aadan in la xaraashayo Shidaalka Soomaaliya, waxa uuna xusay Madaxweynaha in warkaasi faafiyeen siyaasiyiin uu ku tilmaamay kuwa xanaaqsan.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in aysan jirin shidaal Soomaaliyeed oo la xaraashao balse shirka London lagu soo bandhigayo xogta 50 xirmo blocks ah oo ah dhul ku teedsan 173,000 KM oo ay soo sahmisa shirkada Spectrum.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in siyaasiyiinta xanaaqsan ay doonayaan in dib u dhac lagu sii jiro, waxa uuna xusay in dadka jahwareerinayaan una sheegayaan waxaan jirin sida uu tilmaamay.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili Madaxdii hore ee dalka iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowlada uu hogaamiyo Farmaajo sheegeen in shirka maanta ka furmay magaalada London lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top