Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo aanan kasoo dhex muuqan doonin xarunta Baarlamaanka & Doorashada maanta oo….

Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta iska soo xaadirin xarunta Baarlamaanka Puntland oo ay goor dhow ka dhici doonto doorashada madaxtinimada Puntland, waxaana kalfadhiga maanta soo xaadiray ilaa 64 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka dowladda Puntland.

Tirada xildhibaanada maanta aan soo xaadirin ayaa dhan 2 xildhibaan, waxaana doorashada maanta ka dhici doonta Hoolka Baarlamaanka codayn doona 64 xildhibaan oo kaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed (Dhooba Daareed) ayaa sheegay in xildhibaanadani ay maqan yihiin weli isla markaasna aanan la garanayn sababaha ka dambeeya ujeeda ay u maqan yihiin.

Weli ma cada waxyaabaha ku dhacay xildhibaanadani, waxaase xusid mudan in ay jiraan in xubno diiday laalush in ay ku bixiyaan codkooda oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Puntland in ay ku sugan yihiin gudaha Hoolka Baarlamaanka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top