Xildhibaanadii Puntland oo Mobiladii Dansaday & Musharixiin Waali Ku Dhow

Inta badan xildhibaanada Baarlamanka Puntland ayaa telefenadooda hawada ka saaray kadib markii ay dhamaatay doorashadii shalay uu kusoo baxay madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni.

Xildhibaanada oo lacago fara badan ka helay musharaxiinta ku loolamayey doorashada ayaa telefanada ka dansaday dad isugu jira ehelo iyo asxaab kale oo lacago waydiisanaya.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa ka dhuumanaya qaar kamid ah musharaxiintii looga adkaaday doorashadii ka dhacday Garowe oo ay lacago ka cuneen si ay codkooda u siiyaan.

Musharaxiinta qaarkood ayaa sheegay in xildhibaanadu ay ka qaateen lacago fara badan si ay u doortaan balse ay khiyaameen.

Sidoo kale dad isugu ehelo, asxaab iyo musharaxiin ayaa baadi goobaya xildhibaanada Puntland, iyagoo ka raadinaya goobo ay ku tuhunsan yihiin sida hotelo iyo guryo ku yaala gudaha magaalada Garoowe.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay xildhibaanada Puntland ayaa lacag xoog leh oo laaluush ah ka cunay qaar kamid ah musharaxiintii ku loolamayey xilka madaxtinimada Puntland, waxaana inta badan xildhibaanadu ay heleen lacago gaadhaya 200 oo kun oo Dollar oo uu ka qaaday xildhibaankasta musharax walba oo ku hamiyayey xilka madaxtinimada Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top