Taliska ciidanka Asluubta oo ka hadlay Nin Ajnabi ah oo lagu weeraray Xabsiga Dhaxe{Video}

Taliye kuxigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen. C/kariin Cali Afrax oo Warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay dhaawac la sheegay in gudaha xabsiga dhaxe loogu geestay nin ajnabi ah oo ku xirnaa xabsigaasi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxa uu sheegay Jen. C/kariin Cali Afrax in labo nin oo katirsanaa kooxaha Daacish iyo Al Shabaab oo xabsiga ku xirnaa ay damceen in dhibaato ku gaarsiiyaan gudaha Xabsiga Nin ajnabi ah balse qorshahaasi la fashiliyay.

Taliyaha ayaa sheegay Anthony Thomas uusan qabin dhibaato badan lana bad baadiyay, waxa uuna xusay in Xabsiga dhaxe kusoo booqdeen Saraakiil ajnabi ah oo ka socday Shirkadda Bancraft ayna indhahooda ku arkeen in Thomas uusan dhib gaarin .

Ninkan ajnabiga ah ee lagu weeraray gudaha xabsiga dhaxe ayaa u dhashay Ingiriiska, waxaana ninkan amartay in xabsiga dhaxe lagu sii hayo Maxkamada gobolka Banaadir kadib markii laga shakiyay lagana soo xiray garoonka Aadan Cadde xili uu ka dhoofayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top