Mustafe Cagjar oo Xilkii ka Qaaday Xubno muhiim ah

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa xilka ka qaaday Mas’uuliyiin dhowr oo la sheegay in ay kasoo horjeedeen maalmihii lasoo dhaafay.

Kulankii golaha wasiiradda ee DDS waxaa xilkii looga qaaday koox lagarab ah axmed shide kuwaas oo kala ah.

1. Cabdi Xakiin Cigaal   Madixii xarunta dhexe Ee Xisbigga.
2. Guuleed Aw-cali wasiirkii warfaafinta DDS.
3. Cabdi Xukun Cali Dubad oo ahaa madixii Machadka farsamada ee DDS.
4. Cabdi Bile madaxii shirkada yar yar ee Dawlad deegaanka Soomaalida.

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida  Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar ayaa Wasiirka Warfaafinta u magacaabey Cabdillaahi Maxamed Mowliid.

Awoodda Xisbiga ayaa u muuqata inay sababtay loollan adag oo u dhexeeya madaxweynaha deegaanka, Mustafa Cagjar, iyo Gudoomiha Xisbiga, Axmed Shide.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top