Mucaarad iyo Muxaafidba oo Gaadhay Garoowe & Axmed Madoobe Mar uun Doonaya Farmaajo Kulankiis

Waxaa lagu waddaa in saacaddaha soo socda  ay gaaraan Magaalada Garowe Wufuud ka kala socota dowladda Soomaaliya iyo Xisbiyadda Mucaaraadka ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ah dadka maanta tagaya Magaalada Garowe.

Wafdi kale oo uu horkacayo Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa iyana ka soo ambaxaya magaalada Nairobi, iyagoo ku sii jeeda isla magaalada Garoowe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isna ku wajahan Garoowe, iyadoo xubno ka tirsan labada gole oo hordhac u ah safarkiisa ay shalay gaareen halkaas waxaana halkaasi ka socoto qabanqaabadda soo dhaweyntooda.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta gaaray Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland, waxaana garoonka Diyaaraddaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha cusub ee Puntland.

Wafdiga Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa ka mid ah Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka Jubbaland Madaxweynaha Puntland ayaa kaga mahadceliyay Madaxweynaha Jubbaland si uu u ajiibay Casuumaadii loo fidiyay si uu uga qeyb galo Caleemasaarka.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyadda qaarkood ayaa sidoo kale maanta tagaya Garoowe, waxaana dhamaan wufuudan ay ka qeyb galayaan xaflada caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni oo la filayo iney beri ka dhacdo halkaas,amaanka ayaana si weyn loo xoojiyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top