Madaxweynaha Saciid Cabdulaahi Deni oo Durbaba Doonaya Inuu Cirbad Ku Dhufto Isimada SSC (DAAWO Waraysigan)

MD Madaxweyne Waraysi uu siiyay Tv-ga BBC-da ayuu sheegay in Puntland ay qayb weyn ka qaadatay dhisidihii nidaamka federaalka isla markaasna Puntland wax kasta ay ku bixisay lana xoojin doono.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa sidoo kale wax laga weydiiyay madaxweyne Siciid Deni gollaha ay ku midaysan yihiin dowladd goboleedyada ee iskaashiga, waxaana uu kusoo koobay in dastuurka uu qabo inay iskaashi samaystaan dowladd goboleedyadu si ay danahooda uga wada shaqeeyaan.

Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday dagaalka ama xiisada kala dhaxeeya Puntland Somaliland, waxanaa uu sheegay in Somaliland ay kusoo xad gudubtay deegaanada Puntland loogana baahan yahay inay deegaanadeeda dib ugu laabato.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa sheegay in maamulka dariska la ah Soomaalilnad ay kusoo xadgudbeen kuna soo gardoodeen deegaanada Puntland, waxa uuna ugu baaqay in ay dib uga baxdo dhulka Puntland ay ka heestaan.

Wareysiga lala yeeshay Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland ayaa lagu weediiyay su’aal aheyd sida uu u arko golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada uu kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Dastuurka u qoran uu dhigayo in maamul goboleedyada iskaashadaan, waxa uuna xusay in uu ku dhaqmayo waxa ku qoran dastuurka u degsan maamulkiisa Puntland.

”Dastuurka ayaa dhigaya in Maamul Goboleedyada ay iskaashadaan wixii danahooda kadhaxeeya. in la iskaashadana ma ahan wax dastuurka kasoo horjeeda”.Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in wax laaluush ah uusan ku bixin doorashadi uu ku guleestay, waxa uuna xusay ololihii uu sameeyay intii uu tartanka ku jiray ay ahaayeen kuwa Xalaal ah.

Hadalka Madaxweynaha cusub ee Puntland kasoo yeeray ayaan wali kala cadeyn go’aanka uu ka qaadanayo maamulkiisa golaha Iskaashiga dowlada goboleedyada oo hada u muuqda mid sii bur buraya kuna soo hareen sadexda maamul ee Jubbaland, Puntlad iyo Galmudug

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top