Imaaraadka oo shaaciyey inuu ciidamada Somaliland Hubaynayo (XOG CULUS)

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Imaaraadka Carabta ayaa faah faahin looga bixiyay saldhigga dowladda Imaaraadka Carabta ay ka furanayso magaalada Ber-Bera ee Somaliland.

Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in saldhiga wajigiisa 1aad la furi doona bisha August ee sannadkan.

Saldhigga waxaa ku shaqa bilaabi doona 15000 oo ciidamo kasoo jeedda deegaanada maamulka Somaliland, kuwaasoo ay tababari doonto dowladda Imaaraadka Carabta.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay dawladda Imaaraadka u fududayn doonto dalalka danaha ka leh diyaaradahooda in ay ku nastaan saldhigaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeedda saldhiga dowladda Imaaraadka Carabta ee Ber-Bera, wasaana Somaliland ay ku adkeysanaysaa in ay ka madax banaantahay Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top