Guddoomiye Mursal “Muqtar Roobow waa La Siidaynayaa (DHAGAYSO)

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta Magaalada Baydhabo Kula Kulmay kula kulmay Odayaasha, Dhalinyarada, waxgaradka , Haweenka, Culumada, iyo Xillibaanadda kasoo Jeeda Beesha uu ka Dhashay Muqtaar Rooboow.

HALKAN KA DHAGAYSO

Waxay soo Jeediyeen Odayaasha qodobo Dhawr ah oo la xiriira xaaladihii ka dhacay Baydhabo Intii lagu guda jiray doorashadii ka dhacday Koonfur-galbeed Iyo Shaqaaqooyinkii lagu Xiray Muqtaar Rooboow,

Odayaasha ayaa Warbixinadii ay siiyeen Gudoomiyaha kadib waxaa ay Dalbadeen inay diyaar u yihiin ayna soo dhaweynayaan dib u heshiisiinta uu wado maadaama uu yahay mas’uulka labaad Ee dalka sidoo kalena gaar ahaan u matala deegaanada Koonfur-galbeed,

Intaas ka dib Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa Odayaasha u balanqaaday In Qodobadii ay soo Jeediyeen uu si Deg-deg ah wax uga qaban doono

“Gudoomiyaha ayaa Yiri “Waxaan idiin balan qaadayaa in xuriyadiisa uu heli doono Muqtaar Rooboow Arintaas Intii aan soo bixin ayaan ka wada hadalnay Madaxweynaha Iyo Ra’isul Wasaaraha Taasna waan idinkugu Bishaaraynayaa.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale Odayaasha iyo qeybihii kala duwanaa ee kulanka kasoo qeyb galay ku qanciyay in aysan cidna raali ka aheyn qaabkii loo maray xariggii Muqtaar Rooboow ,

“Waad ogtihiin aniga ahaan dhawr mar ayaan ka hadlay in Muqtaar Rooboow uu lamid yahay musharixiinta kale farahana laga qaado xitaa waxaan dalbaday in doorashada dib loo dhigo xaalad walboo Muqtaar lagula dhaqmay Aniga Raali kama aheyn , Waxaan Idin Balan Qaadayaa in Muqtaar uu Banaanka Soo Bixi doono ” Ayuu Hadalkiisa Kusoo Xiray Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top