Garowe oo kala xidhan, Ciidamo meel walba lagu daadiyey & Taliska Booliska oo ku dhawaaqay xaalad {Dhagayso}

Xili maalinta beri ah ay dhici doonto doorashada madaxtinimada Puntland ayaa waxaa goor dhoweyd warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Garowe taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxuyadiin Axmed Muuse.

Taliyaha ayaa sheegay in xaalad bandow ah oo xidhiidha dhaq dhaqaaqa baabuurta ah lagu soo rogay shacabka magaalada Garowe laga bilaabo Shanta galabnimo ee maanta ilaa ay ka dhacayso doorashada madaxtinimada Puntland.

Waxaan jiri doonin wax gaadiid ah oo gudaha magaalada Garowe lagu dhex arki doono ilaa maalinta beri ah, waxaana sidoo kale ciidamo lagu daadiyey qaybaha kala duwan ee magaalada.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in aysan cidna ka bixi doonin cidna soo gali doonin magaalada Garowe inta ay socoto doorashadu laga bilaabo galabta halka musharaxiinta iyo xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland iyaguna loo ogol yahay gaadiid kooban.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top