Doorashadii Puntland oo Maraysa Meel Halis Ah

Natiijada wareega koowaad ee doorashada ayaa dhinac kale u riday rajadii ay lahaayeen musharixiin badan oo u taagan xilka madaxweynaha maamulka Puntland.

Seddexda musharax ee hadda usoo gudubtay wareega ugu dambeeya ee doorashada ayaa waxaa dhexmari doono loolan adag oo ku aadan helida codadka ugu badan ee xildhibaanada baarlamaanka.

Saciid Cabdullaahi Deni, Genaraal Asad Cismaan iyo Faarax Cali Shire ayaa iskugu soo haray wareega labaad ee doorashada, waxaana haddii uu midkood Tanaasulin lagu qasbanaan doonaa in wareeg seddexaad la aado.

Waxaa meesha ka baxday rajadii ay lahaayeen musharax madaxweyne C/Welli Maxamed Cali Gaas iyo Musharax Eng Khaliif Jabiye oo aad loogu saadaalinayay doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Garowe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top