Axmed Madoobe Diyaariyay Ciidamada Dagaal La Gala Al-shabaab (DAAWO SAWIRO)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka khudbad u jeediyay Ciidamada u diyaar garoobaya howlgalka xoraynta Jubbada Dhexe oo ay kamid yihiin Ciidamadii ka howlgalayay aaga Degmada Afmadow kuwaas oo uu sheegay in shaqo wanaagsan ay qabteen Cadowgana ay u diideen in ay deegaanka soo holiyaan Madaxweynahu wuxuu sheegay in ay dadaalkooda iyo shaqada Qaran ee ay qabteen mar walba lagu xusuusan doono.

Wuxuu intaas ku daray in Degmada isbadal lagu samayanayo oo Maamul Ra’yid ah loo samaynayo iyadoo Ciidamadii fadhigoodu uu halkan ahaana ay shaqooyin u tagi doonan meelo kale si ay deeganada kale u xoreeyaan.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Ciidamada Jubbaland oo dhan ay howlgalkan fulinayaan ayna u diyaarsan yihiin iyadoo si wadajir ah loo bilaabaya howlgalo qorshaysan oo marka hore cadowga lagu naafaynayo taas oo dhabaha u xaaraysa in la jabiyo Shacabka ayuu sheegay Madaxweynahu in ay Ciidamada u yeedhayaan oo ay leeyahiin noo kaalaya sidaas darteedna ayna jirin sabab looga sii maqnaado.

Xarun Cusub oo tababar ayuu sheegay in la hirgalinayo inta uu howlgalkan socdo iyadoo dib u habayn iyo qaabayn lagu samayn doono dhamaan Ciidamada Dowlada Dagaalka Argagixisada lagu qaadi doono ayuu Madaxweynahu hoosta ka xariiqay in dhinacyo badan laga fulin doono sida deegamada Xeebaha ku teedsan iyo Gobolka Jubbada Dhexe oo kol dhow gacanta soo gali doona sida uu Madaxweynahu sheegay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top