Axmed Cilmi Cismaan ( Axmed Karaash ) Ayaa ku Guulaystay Xilka Madaxwayne ku xigeenka ee Puntland

Axmed Cilmi Cismaan ( Axmed Karaash ) Ayaa ku Guulaystay Xilka Madaxwayne ku xigeenka ee Puntland, Isagoo Helay 47 Cod kana Guulaystay Cabdi Qowdhan oo heley 19 Cod.

Axmed Karaash ayaa horay usoo Noqday Madaxwaynaha Khaatumo, Wuxuuna Xilala kala duwan oo Wasiirnimo kasoo Qabtay Puntland, Iyadoona Xukuumadii ugu dambaysay ee C.wali gaas uu Wasiir ka ahaa.

Madaxwayne Ku xigeenka Cusub ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan Axmed  ayaa waxaa Horyaala Howlo balaadhan, oo ay ugu horayso Arinta Gobolka Sool,  oo Mushariixintu ay siwayn diirada u saareen Xiligii Ololaha Doorashada.

Madaxwaynaha maanta la dooortay Siciid Cabdullahi Deni ayaa Salaamay Madaxwayne ku xigeenka markii ay soo dhamaatay Tiritintii Codadka Wareegii Saddexaad oo Guushu ay raacday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top