Amniga Garoowe oo La Adkeeyay Ka Hor Xaflada Caleemo Saarka(DHAGAYSO)

Shir Jaraa’id oo ay Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku qabteen Xubnaha Guddiga Amniga Puntland oo ay ku jiraan Xubno ka tirsan Golaha wasiirada ayaa waxaa ay soo saareen Awaamiir la xiriirta Caleemo saarka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Guddiga waxa ay sheegeen in maalmaha soo socda ay Magalada Garoowe tegayaan Wufuud kala duwan kuwaas oo lagu casuumay Xaflada Caleemo saarka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Janeraal Muxudiin Axmed Muuse oo Awaamiirta Bulshada la wadaagay Awaamiirta ay soo saareen.

2: In cid aan u heysan ogolaansho ay Magalada la dhexmari karin Gawaarida Muraayadaha Madow ee Bensalka ku xiran yihiin.

3: In Magalada Gudaheeda aan lagu arki karin Ciidamo aan aheyn kuwa Shaqada ku jira ee ka qeyb qaadanaya sugida Amniga Magalada Garoowe inta lagu guda jiro Xaflada Caleemo saarka.

4: In qof Gaarigiisa uu meel baakin aan lala ogeyn dhigan karin qofkii dhigtaana gaarigiisa laga jejebin doono,sidoo kalena la jiidi doono,kaidbna qofkii lahaa la ganaaxi doono.

5: Ciidamada Amniga ayaa lagu amray in dadka Shacabka ay ay si wanaagsan ula dhaqmaan,isla markaana ay siweyn amniga magalada u adkeeyaan,askarigii dadka ku xadgudbana tallaabo laga qaadi doono

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top