Xildhibaanadii Gudbiyay Mooshinkii Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Tanaasulay (DHAGAYSO)



Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Caawa waxa uu shaaciyay in uu buray mooshinkii 9kii Bishaan ay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacbaka ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo.

HALKAN KA DHAGAYSO

Hadaba mid ka mid ah xildhibaanadii mooshinka gudbiyay oo Caawa la hadlay warbaahinta ayaa sharaxay sida uu ku yimid in mooshinka uu buro iyo Go’aanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xildhibaan Cabdi Xakiin Macalin oo ka mid ah Xildhibaanadii mooshinka keenay ayaa sheegay in mooshinkaas uu ahaa mid markii hore dariiq sax ah lagu keenay,hayeeshee Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu raadiyay six al loo gaaro.

Waxa uu sheegay in sababaha mooshinkaas uu ku socon waayo ay ka mid ahaayeen in xilligaan dalka aysan ka jirin Maxkamada Dastuuri ah,sidaas daraadeedna la tixgeliyay codsi ka yimid Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo,iyada oo la fiirinayo danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in kulamo ay wada qaateen Guddoomiyaha Golaha Shacbaka iyo Xildhibaanadii mooshinka keenay ay go’aan ku gaareen in la xaliyo waxyaabaha ay tabanayaan mooshinka ay dib ula laabtaan.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top