Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Sir Ka Sheegay Qabashadii Abu Mansuur Cida Ka Dambeysay {Dhagayso}

Kulan ay Maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho Xildhibaanada Kasoo Jeeda Deegaanada Koonfur Galbeed ayey kaga hadleen Xaaladihii ugu dambeeyey Ee Deegaanka.

HALKAN KA DHAGAYSO

Mudanayaashani oo badankood ahaa kuwo Mucaaradka ah ayaa waxay si kulul u cambaareeyeen Fadqalalada ay Dawlada Abuurtay Ee Baydhabo Ka dhigtay in dhiig ku daato.

Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka mid ahaa kuwii kulanka xaadiray si cod dheerna ku Eedeeyey Dawlada Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay Soo saareen Xildhibaanada ayaa waxay ku Eedeeyeen Ciidamada AMISOM inay ku Xad gudbeen Joogitaanka Soomaaliya,ayna Si Sharci daro ah kusoo Xireen Murashax Madaxweyne Rooboow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top