War Deg Deg Ah : Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo is casilay

Wasiirkii hawlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Somaliya C.fataax Ibrahim Geesey, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu xilkaasi iska casilay.

Geesey oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay sababta xilkaasi uu isaga casilay inay tahay xiisadaha ka taagan deeganada Koonfur Galbeed.

Cabdi Fataax Ibraahin Geesey ayaa sheegay inuu aad ugu mahad celinaayo Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Xukuumaddiisa mudadii ay soo wada shaqeeyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top