Lacagtii Ugu Badneyd Oo Dawlada Maanta Ku Bixisey Bur burinta Mooshinka Farmaajo Laga Keenay{Dhagayso}

Shir weyne Ballaaran ayaa waxa uu maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho,loogana soo horjeeday Mooshinka Madaxweyne Farmaajo laga keenay ayaana la sheegay in Ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin iyo Siyaasiyiin Badan.

HALKAN KA DHAGAYSO

Waxa Kulanka uu ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen Siyaasiyiin Fiiladooda ku xiran tahay Madaxda ugu sareysa Dawlada dadkana loo hagayey in Mooshinku yahay mid sifo sharci daro ah ku yimid.

Axmed Salaad Aw Aadan oo isagu Ah qaban qaabiyaha Kulankaas ayaa sheegay inay mooshinku yahay mid Sharci daro ah oo Shacabka loogu diidan yahay inay hormar gaaraan.

Kulanka ayaa ka qeyb galayaasha badankood waxay isku raaceen in Madaxweyne Farmaajo laga been Abuurtay,ayna Xildhibaanadu yihiin kuwo Caado qaatayaal Ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top