Kaddib Markii Uu Sababay In Liverpool Garaacday Man United, Maxay Ahaayeen Farriimihii Loo Diiray Xherdan Shaqiri Kaddib Caydhintii Jose Mourniho?

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Xherdan Shaqiri oo ahaa shaqsigii doorka ugu weyn ka qaatay in kooxdiisu dhaaftay Manchester United toddobaadkii hore ayaa banaanka keenay nooca farriimihii uu helay kaddib in shaqada laga caydhiyay Jose Mourinho.

Mourinho ayaa shaqadiisa waayay maalinimadii Salaasadii ee toddobaadkan waana laba cisho kaddib guuldaradii 3-1 ka ahayd ee ay kooxdiisu kala soo laabatay Anfield oo ay Reds ku martiyeen.

Jose Mourinho
Shaqiri ayaa kulanka bedel kusoo galay, Goolashiisii daqiiqadii 73-aad iyo 80-aad ayaana ka dhigay kooxdiisa inay dib ugu laabato halka ugu sarreysa ee horyaalka.

Xiddiga ree Switzerlan ayaa ka warramay inuu helay farriimo badan oo kaddib markii uu kooxdiisa ku hoggaamiyay saddexda dhibcood ee kulanka ugu weyn England balse waxa uu sidoo kale xusay sida ay farriimahaas isku gediyeen kaddib caydhintii Jose isla markaana loogu sheegay inuu khaladka isagu leeyahay.

Shaqiri ayaa yidhi “Waxaan helay farriimo badan oo ka yimid asxaabtayda markii ay dhacday, Ugu horreyntii waxa jiray farriimo badan oo ku saabsan kulankii United”

“Intaa kaddib markii wararka Mourinho ay soo baxeen waxaan helay farriimo odhanaya ‘Midaasi waa khaladkaaga’ laakiin kubadda cagta ayaa sidaasa wakhtiyada qaar”

“Uma malaynayo in kaliya inaan kulanka guuleysanay ay United ku doontay inay bedesho tababaraha, Waxa jira sababo kale laakiin waxa ay la micno tahay inuu kulankaasi taariikhda galay, Sidoo kale waxa uu markasta ahaan doonaa taariikhdayda”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top