WAR CUSUB: Itoobiya oo Shahaadada u diiday Arday Soomaaliyeed oo Dalkeeda wax ku baratay

17 Dhaqtar oo kasoo jeeda deegaanada Somaliland oo waxbarashada Caafimaadka ka dhameystay Dalka Itoobiya ayaa sheegay in aan wali la siin Shahaadooyinkooda, isla markaana ay ku xaniban yihiin dalkaasi.
Ardaydaan oo ka qalin jabiyay Jaamacada Hayaat iyo Bathel Medical College xafladoodii qalin jabintana loo qabtay ayaa loo diiday in la siiyo shahaadada dhaqtarnimada.
Sababta looga haysto shahaadadooda ardaydaan oo tiradooda tahay 17 ayey waxay ku sheegeen in ay tahay in dawladda Ethiopia kala xeer dhigtay ardayda dhakhaatiirta muwaadiniinteeda ah ee ay isku wakhtiga dhammaysteen waxbarashada.
Xeerka Ethiopia ee Ardayda caafimaadka bartay ayaa dhigaaya inaan la siinshahaadada ilaa uu laba sanno ootabarucaad ah ugu shaqeeyo dadkiisa, kanna hawl­galo xarumaha dawladda ama inuu bixiyaa 80,000 Bir si loo siiyo liisanka Dhakhternimada iyo Shahaadadiisa.
Ardaydan oo ahaa kuwa Iyagu iska bixinaayey dhaqaalihii ku baxay aqoon barashadooda ayaa wasiirkii hore ee caafimaadka ee dowladdii Siilaanyo dowladda Itoobiya kala hadlay in la siiyo shahaadadooda maadaama ay yihiin arday ajnabi ah oo aan lala xeer dhigi karin muwaadiniinta Ethiopia, hase ahaatee isbadalkii doorashada dhacday ayaa saameyn ku yeeshay ardaydaan iyo xili xaalad deg deg ah la geliyay dalka Ethiopia.
17-­ka Dhaqtar ee kasoo jeeda Somaliland iyo waalidiintooda ayaa Xukuumadda cusub ee Madaxwayne Muuse Biixi ugu baaqay inay wax ka qabato, iyadoo xilligan dalka Ethiopia ay ka jirto xaaladdo siyaasadeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top