Kheyre oo Ogaaday Qiyaano kale oo ay u dageyso Dowlada Imaaraadka Carabta

Warar hoose oo ay heshay Wakaalada Widh Widh Online ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu wajahi doono Mooshin iyo Xiisad siyaasadeed oo kaga imaaneysa Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta dhaqaalaha ka hela Dowlada Imaaraadka Carabta.
Saraakiil ka tirsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa inoo sheegay in kulamo arintaan looga gaashaamanayo ay ka socdaan magaalada Muqdisho, waxaana laga war helay in dowlada Imaaraadka ay ka shaqeyn doonto sidii ay xafiiska kaga diri laheyd Kheyre.
Dowlada Imaaraadka ayaa ka carootay go’aanka Xukuumadda Soomaaliya ay ka qaadatay Heshiiskii Dekada Berbera, waxaana ay adeegsan doontaa Xildhibaanada ay dhaqaalaha siiso ee ku jira Baarlamaanka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah oo ay maalgaliso.
Si kastaba ha ahaatee Xukuumada Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa la fahamsan yahay inay mowjado siyaasado ah dhexda ka gali doonto marka uu furmo Kalfadhiga Baarlamaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top