Xuska 8-da Febraayo ee Doorashadii Farmaajo & Xaalada Guud Ee Muqdisho (DAAWO SAWIRO)

Magaalada Muqdisho ayaa maanta u dabaaldageysa sanadguuradii koowaad ee markii sida lama filaanka ah xilka loogu doortay Madaxweynaha xilka haya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xuska maalintan ayaa loo bedelay adeeg caafimaad oo loo fidinayo dadka danyarta ah, iyadoo teendhooyin lagu xarashay boorar uu ku sawiran yahay madaxweynaah la suray meelo ka tirsan Caasimadda, waxaana dadweyne fara badan ay saf u galeen adeegga caafimaad ee madaxtooyada ay u fidisay dadka.
Ciidamada amniga ayaa la dhigay Waddooyinka waaweyn, waxaana la arkay iyadoo Biyo iyo dhagxaan lagu gooyay qeybo ka mida Waddooyika laga soo galo jidka Maka Al-Mukarrama. Sidoo kale Jidka Wadnaha oo ka mida kuwa ugu waaweyn ayaa iska xiran.
Waxyaabihii ugu weynaa ee xilligii doorashada uu madaxweyne Farmaajo balanqaaday ayaa waxaa ka mid ahaa inaan Wadooyin loo xiri doonin, arrintaasoo ka mid noqday balanqaayada aan fulin ee Madaxweyne Farmaajo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top