Wasaaradda Amniga Oo Ka Warbixiyay Qaraxii Xalay Ka Dhacay Muqdisho (DHAGAYSO)

Wasaarada Amniga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la soo afjaray dagaalyahanadi ka dagaalamayay meel ku dhaw xarunta nabad sugida Dhagaxtuur ee Madaxtooyada Soomaaliya.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdi Casiis Cali Ibraahim Xildhibaan ayaa sheegay dagaalyahanada la toogtay in ay tiradoodu gaareyso ilaa shan ruux.
Dhanka kale Afayeenka ayaa codsaday in waqti dheeraad ah la siiyo wasaarada si ay tiro koob ugu sameyso qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxyadaan.
Wararka hordhaca ah ayaasa sheegaya in ay ku dhinteen qaraxyadaan 18 ruux halka ay ku dhaawacmeen 20X ruux.

HALKAN KA DHAGAYSO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top