Shirka Amniga Qaranka Oo ka Furmay Maanta Muqdisho

Shirka Amniga Qaranka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho,sida ay daabacday Wakaaladda SONNA oo xiganaysa Agaasimaha Warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta ee Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed.
Shirkaan oo ah kii saddexaad ee ay yeeshaan Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddoonka Gobolka Banaadir, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Amniga, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo hoggaanka kala duwan ee Ciidamada,sida ay qortay SONNA.
Muddada uu socdo shirkan waxaa dib u eegid lagu sameeyaa xaaladda amniga dalka iyo Ciidanka Xoogga, iyadoona la gorfeeyo qorshaha sadexda bilood ee soo socota iyo arrimaha mudnaanta la siinayo.Shirka Amniga Qaranka waa madasha kaliya ee haatan ay si joogta ah ugu kulmaan Madaxda Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed,taaso leh guddiyo hoosaad iyo xeer anshax.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top