Shaxda Rasmiga Ah Ee Barcelona Vs Valencia Iyo Valverde Oo Shax Xoogan Soo Xushay

Barcelona ayaa Camp Nou ku soo dhawanaysa kooxda Valencia ee kulanka lugta hore ee afar dhamaadka Copa Del Rey, waxaana kulankan lagu xusuusan doonaa kulankii isla Camp Nou labadan kooxood ku dhex maray laba sano ka hor isla tartankan markaas oo ay Barcelona 7-0 ku xasuuqday Valencia iyada oo Luis Suarez uu afar gool ka dhaliyay kulankaas.
Barcelona ayaa ku hamiyaysa in ay markii afraad oo xidhiidh ah ku guulaysato koobka Copa Del Rey laakiin ugu horayn Valverde iyo kooxdiisa ayaa u baahan in ay la tacalaan dhibaatada kooxda Valencia oo waliba lagu danbayn doono garoonka Valencia ee Mestalla Stadium.
Valverde ayaa sii waday in uu goolhaye Cillessen u daayay Copa Del Rey inkasta oo uu kulan muhiim ah yahay laakiin waxa uu ku soo shirtagay shaxdiisa ugu muhiimsan marka laga reebo in Vidal uu kulankan ku soo bilawday iyada oo Vidal uu noqday mid hadda muhiim u ah weerarka kulamada Copa Del Rey.

Coutinho ayaa kaydka ku jira si la mdi ah Yerry Mina oo aan wali safan kulankiisii ugu horeeyay ee Barcelona waxaana sidoo kale kaydka ku jira Paulinho iyo Ter Stegen.
SHAXAHA RASMIGA AH EE LABADA KOOXOOD:
BARCELONA: Jasper Cillessen; Sergi Roberto, Gerard Piqué, Samuel Umtiti, Jordi Alba; Ivan Rakitic, Sergio Busquets, Andres Iniesta; Aleix Vidal, Lionel Messi, Luis Suárez
Kaydka : 1. Ter Stegen 6. Denis 14. Coutinho 15. Paulinho 17. Paco Alcácer 19. Digne 24. Yerry Mina
Valencia team news: Jaume, Montoya, Paulista, Vezo, Gaya, Soler, Parejo, Coquelin, Pereira, Rodrigo, Vietto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top