Saraakiisha Turkiga Oo Xarun Kale Oo Ciidanka Lagu Tababaro Muqdisho Kadhisaaya (DAAWO VIDEO+SAWIRO)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Yariisow oo Dowladda Turkiga ku wareejiyay dhul weyn oo ku yaala deegaanka Jaziira kaasi oo dowaldda turkiga ay ka dhisi doonto xarun qalabkeedu u dhameystiran yahay oo lagu tababarayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Dhulkan waxaan u bixinay dan guud in loo isticmaalo iyo sidii uu u noqon lahaa xarun lagu tababaro Ciidanka, waana qorshe wax tar u leh bilicda iyo amniga gobolka iyo guud ahaan dalka.” ayuu yiri Eg Yariisow.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Mursal iyo Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa bogaadiyey wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa Ciidanka iyo bulshada Gobolka, iyagoona sheegay in ay kala shaqeynayaan Maamulka Gobolka sidii xal loogu heli lahaa dadka qeybta ku lahaa dhulkan loo aqoonsaday danta guud.


.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top