Saraakiisha Mareykanka oo Xaqiijiyay in Saraakiil Shabaab ahaa Duqeyn Lagu Dilay

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn lala eegtay Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Hoose lagu dilay dagaalyahano ka Tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Warkaan oo si gaar ah uga soo baxay taliska Ciidamada Mareykan-ka ee Africa oo AFRICOM loo yaqaano ayaa lagu xusay in ay duqeynta ku dileen saddex Sarkaal oo Shabaab ahaa.
Sidoo kale taliska Ciidamadda Mareykan-ka ee Africa ayaa sheegay in duqeynta aysan waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah.
Waa duqeyntii 3-aad ee diyaaradaha Dowladda Mareykanka ay ka fuliyaan Soomaliya sanadkaan 2018-ka,xili labo duqeyn ay fuliyeen 2-dii iyo 18-kii bishii January.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top