Miisaaniyadda Nabad Sugidda Qaranka oo Gabi Ahaanba La Joojiyay

Dowladda Soomaaliya ayaa faraha kula jurta xalinta mushkilado badan oo isbiirsaday oo ay ugu weyntahay musuq-maasuq dhanka maaliyadda ah oo ka dhex taan hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka, taasi oo ka dhalatay markii madaxda hay’adda iyo wasaaradda amniga ay kala bomben hantidii lagu wadi lahaa howlaha nabad sugidda qaranka.
Xafiiska hantidhowraha guud ee qaranka Maxamed Cali Afgooye ayaa soo saaray qoraal uu gabi ahaanba ku xayirayo miisaaniyadda guud ee hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka oo uu ku eedeeyey xatooyo iyo musuq-maasuq, wuxuuna si rasmi ah u xayiray akoonada hay’adda ee bangiga qaranka, isaga oo wasaaradda maaliyaddana amray inaysan jirin dhaqaale loo fasixi karo madaxda NISA ilaa iyo inta laga xisaabinayo.
Hantidhowraha qaranka ayaa madaxda qaranka ku wargaliyay isbarbaryaaca iyo lunsashada miisaaniyadda NISA, waxaana jira xiriir aan fiicneyn oo u dhaxeeya isaga iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale wasaaradda amniga oo hay’adda NISA ay hoos tagto.
Dowladaha shisheeye ee maalgalin jiray NISA ayaa sidoo kale loo diray warqadda hantidhowraha qaranka, iyaga oo horey walaac uga qabay sida loo maareeyo dhaqaalaha lagu bixiyo sirdoonka Soomaaliya oo taladiisa hadda ay kusoo uruurtey koox yar oo heshiis ku ah kala tuurashada lacagta laga soo bixiyo qasnadda hay’adda oo ilaa iyo afar bil ku dhawaad aan lahayn taliye ama agaasime rasmiya.
Qaar kamid ah saraakiisha NISA ayaa iyagana laga soo xigtay in uu jiro gaabis ku yimid mushaaraadkii la siin jiray askarta NISA, waxaana ay u sababeeyeen maamul xumada soo food saartay hay’adda oo ay sheegeen  in muddo ahba loo magacaabayay shaqsiyaad jeebka inay buuxsadaan un ay ka maqan tahay oo ku milan siyaasadda madaxtooyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top