MD Muuse Biixi oo Diiday Inuu Ka Baxo Tukaraq Iyo Beesha Caalamka oo Digniin Culus Siisay

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland ayaa sheegaya in culays xoog la saaray madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi kadib markii uu ka dhaga adaygay dalabaadyo iyo fariimo uga yimid Beesha Caalamka, Dowladdaha daneeya arrimaha Soomaaliya, Ururada Qaarada Afrika iyo sidoo kale Culimi awdiinta Soomaaliyeed si looga hor tago dagaalo culus oo dhex mara Puntland iyo Somaliland.
Fariimahani ayaa sida la sheegay Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha maamulka Somaliland farayey in uu kala baxo ciidamadiisa deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, taas oo uu ka dhaga adaygay marar badan.
Dowladdaha culayskan saaray madaxweyne Biixi ayaa la sheegay in ay kamid tahay dowladda Ingiriiska oo saaxiib dhow la ah maamulka Somaliland sidoo kalena ka qayb qaadata mashaariicda horumarineed iyo dhaqaalaha lagu kaabo maamulka Somaliland ee kasoo gaadha Beesha Caalamka, iyadoo ujeedkeedu uu yahay in ay hogaamiyaha Somaliland ay xooga ku saarto in uu kala baxo deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ciidamadiisa.
Dowladda Ingiriiska ayaa ugu hanjabtay Korneyl Biixi in hadii uusan kala bixin ciidamadiisa Somaliland deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ay ka jari doonaan guud ahaanba Somaliland qarashaadka iyo mashaariicda kasoo gasha dowladda Ingiriiska isla markaasna uu Muuse Biixi damaanad qaadi doono wax kasta oo ka yimaada halkaasi.
Sidoo kale waxaa dadaaladani qayb ka ah hay’adda culimada Soomaaliyeed iyo weliba hay’addo caalami ah, ururada Qaarada Afrika iyo madax ka socota Qaramada Midoobe kuwaas oo bartilmaameedsanaya xal u raadinta xiisadaha ka taagan deegaanka Tukaraq, iyagoona qaarkood masuuliyiin kala duwana usoo diray madaxweynaha maamulka Somaliland in ay ugala xaajoodaan arimahaasi oo uu marar badan ka biya diiday.
Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa weli ku dhagan mowqifkiisa ah in ay ciidamada Somaliland ee haatan ku sugan deegaanka Tukaraq ay joogaan deegaanadoodii Somaliland tagi doonayaana deegaanka Yoocada oo ah meesha ugu dambaysa xuduuda Somaliland waa sida uu qabo Mr. Biixiye, waxaana taasi ay sababtay in xiisadaha labada dhinac ay sii xoogaystay marba marka kasii dambeeyey.
Hanjabaadaha ay hawada isku marinayaan dhinacyada Somaliland iyo Puntland ayaa sii kordhayey muddooyinkii ugu dambeeyey, waxaana weli jira dhaq dhaqaaqyo ciidan oo u dhaxeeya labada dhinac kuwaas oo sababi kara dagaal culus oo ka dhex qarxa.
Inkastoo xal waara aanan laga gaadhin xiisadaha Puntland iyo Somaliland ayaa hadana hogaamiyaasha labada dhinac uu mid walbaaba weli ku taagan yahay mowqifkiisa u gaarka ah, iyagoona hore u diiday labaduba waa Muuse Biixi iyo C/weli Gaase in ay kawada hadlaan xaalada deegaanka Tukaraq si ay xal waara u wada gaadhaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top