Goolhaye David De Gea Oo Ka Hadlay Wararka Xanta Suuqa Ee Sida Joogtada Ah Loogula Xidhiidhiyo Real Madarid

Goolhayaha kooxda Manchester United ee David de Gea ayaa ka hadlay wararka sheegaya inuu ka tagayo xagaaga soo aadan garoonka Old Trafford, iyadoo uu jiro warar ku aadan in saxiixiisa ay si xoogan u xiiseeneyso kooxda Real Madrid ee dalka Spain.
Laakiin David de Gea oo waraysi siiyay Daily Star ayaa sharaxaad ka bixiyay mustaqbalkiisa kooxda Manchester United isagoo yidhi: “Waqtiga si dhaqsa ah ayuu u socdaa, waxaan ku suganahay safka kooxda Red Devils sanadkii 4-aad aad ayaana wali ugu faraxsanahay”.
Goolhaya reer Spain ayaa xidhan maaliyada kooxda Manchester United tan iyo markii uu kaga soo dhaqaaqay Atletico Madrid sanadii 2011 aduun lacageed gaarsiisan 18.3 million pounds.
De Gea oo hadalkiisa sii wata wayaa wuxuu intaas kusii daray: “Waxyaabo aad u wanaagsan ayaan kula kulmay halkan kooxda Man United iyo dhacdooyin kale ee aan wanaagsanayn, laakiin markaan runta ka hadlo waxaa hubaal ah inaan ku farasanahay joogitaankeyga Old Trafford”.
De Gea oo ka hadlaya in uu ka mid yahay xidigaha Man United muhiimka ka ah ayaa yidhi: “Waxaan qeyb ka ahay xidigaha ugu muhiimsan kooxda Manchester United, waxaana sidaas ku dareemaa qolka labiska kooxda, waxaan qeyb ka ahay ciyaartoyda waaweyn ee kooxda waan ku faraxsanahay inaan arko ciyaartoyda da’da yar ah ee imaanaysa Manchester si ay iskugu dayaan inay ka mid noqdaan xidigaha waaweyn ee kooxda”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top