Dowladda Itoobiya oo Ku Xad-gudubtay Qaranimada Soomaliya & Wasiir DF Itoobiya Hargaysa Gaadhay + IIBKA DEKADDA BERBERA

Wasiirka gaadiidka Itoobiya Axmed Shide iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa, isaga oo aan wax fasax ah ka haysan dowladda dhexe ee Soomaliya, tani waxay jabinaysaa qaynuunka u yaala xuduudaha dalka Africa.
Weftigan uu wasiirka gaadiidka Itoobiya hoggaaminayo oo maalmo ku sugnaan doona magaalada Hargeysa  ee Soomaliya ayaa waxa ujeedada safarkiisa lagu sheegay inay la xidhiidho qorshaha ay dawladda Itoobiya ku doonayso inay isticmaasho dekedda Berbera oo laga siiyay saami maalgashi oo dhan 19%. Waxaana tani ay tahay mid ay DP World ku doonayso inay Itoobiya u gacan galiso dekada Berbera.
Weftiga oo uu madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland, ayaa waxa la filayaa inay kulamo la yeeshaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada si loo hirgeliyo isticmaalka Itoobiya ee dekedda Berbera.
 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top